![]() |
Sat October 13, 2001 2:18 AM |
Send
E-mail wardhiigley2000@yahoo.ca
|
Dowladda
Cabdiqaasim Salaad oo dhinac martay dhaartii ay u dhaarteen Qaranka.
Ku Xigeenadooduna waxay ay kala yihiin: 2 Murusade ah, 1 reer Xamar ah, 1 Mareexaan ah, l Abgaal ah iyo 1 Habargidir.
Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir
Intaas waxaa dheer Madaxa Kabineedka Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Cabdiqaasinba waa saddex nin oo uu adeer u yahay. (Waxaan mar dhaw soo gudbin doonna qeybaha kale oo ay ka mid yihiin madaxda Sare ee Maxkamadaha, Ciidanka Booliska, Militariga iyo Isboortiga taas oo ay dad badan la yaabi doonaan ee la socda). Waxaa halkaan kaaga muuqan kara in la dhinac maray dhaartii ku saleysneyd sinnaan iyo caddaalad, halka ay dowladda ka talisana ku koobeen maamulkeeda beelaha ay isleeyihiin waxay haaystaan tikniko iyo maleeshiyo wax qasi kara halka beelaha qaarkood looga hor istaagay in lagu daro maamulka Gobolka Banaadir tikniko la'aan iyo ayagoo ka qaday boobkii hantida dowladda iyo tan dad weynaha oo ay beelaha hubeysan horay u boobeen intii ay socdeen dagaalladii sokeeye. Waxaa xusid mudan beesha Banaadiriga oo ah tan loogu yimid Xamar, Beesha Gaal Jecel oo ka mid ah beelaha ugu tira bada Soomaaliya islamarkaasna keenta magaalada Muqdisho xoolaha nool iyo caanaha, lagana qaado canshuur fara badan , Beesha Shiikhaal oo degta Banaadir iyo Jareerweyne oo ku badan Xamar ayaa loo diiday in lagu daro maamulka Muqdisho sababaha aan horay u soo sheegnay dartood. Dad badan ayaa isweydiinaya maxaa maamul caddaalad ah looga dhisi waayay Shabeelada Hoose iyo Jubbooyinka haddii aysan weli jirin NINKII XOOGLE AYEY XAAJO U DHAMAATAA. Dhinaca kale waxaa xusid mudan in ay yihiin beelaha dowladda Cabdiqaasim ku haya jalaafada iyo dhabar jabinta kuwa loo siiyey abaal marinta in ay maamulaan Gobolka Banaadir. Waxaa cajiib ah in Cabdiqaasim Salaad u magacaabo saddex nin oo uu adeer u yahay in ay ka noqdaan awoodda ugu sareysa madaxtooyada ayada oo lagu jiro waqti xasaasi ah oo Ummadda Soomaaliyeed shaki wada qabaan. Meelaha la'isugu yimaado ee magaalada Muqdisho ayaa lagu kaftamaa "ma is garaneysaan Salaad Cismaan Rooble si aad u aragtid Cabdiqaasim Salaad kadibna arintaada si fudud kuugu dhamaato". Taas waxay dad badan soo xusuusineysaa madaxtooyadii Marxuum Maxamed Siyaad Barre iyo awooddii ay ku lahaayeen wiilkiisa lagu magacaabo Ayaanle iyo agaasimihii lacagta ee Fartaag. Intaas waxaa dheer, waxaa jira wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda oo ay ku adag tahay in ay arkaan Cabdiqaasim Salaad marka ay rabaan in ay la kulmaan maadaama ay ka tirsan yihiin beelaha aan hubeysneen halka Salaad Cismaan Rooble ama Suudi ay kuugu geyn karaan Madaxweynaha in ka yar saacad. Dr. Cabdiqaasim Salaad iyo Dr. Cali Qaliif Galeyr oo lagu tilmaamo in ay yihiin ardaydii Marxuum Maxamed Siyaad ayaa waxaa u fudud in ay dhinac maraan dhaartooda kuna dhaqmaan talada beeshooda iyo dantooda gaarka ah. Waxaa tusaale aan u soo qaadan karnaa muddo aan fogeyn in Dr. Galeyr uu shaqo dibadda u aaday waxaana sii raacay madaxa KABINETKIISA. Hadaba, si aan loo ogaanin sirtiisa ayaa waxaa uu nin ka keenay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo ay isku reer yihiin taasna waxay dhalisay buuq ka dhashay xafiiskiisa waxaanna arintaas horey u qoray jaraa'idada ka soo baxa dalka. Waxaa hadda socota in uu u magacaabay nin ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Xashara safiirka u fadhiya Qaramada midoobay inkasta oo ay jirtay gabar 10 sanno meesha fadhisay oo islaheyd adiga ayaa laguu dhiibi doonaa jagadan. Taasi ma dhicin waxaana hor istaagay maah maahda ah GURBAAN GARBKAAGA HA KUUGU JIRO AMA GACALKAADA HA KUU HAYO. Soomaalidu waxay tiraaahdaa HAL BOOLI AH NIRIG XALAAL AH MADHASHO, waxaanna kuu caddeynaya in ay arintaas dhabtahay sida ay isu qabqabsanayaan xukuumadda Cabdiqaasim Madaxweynaha u yahay oo markii horaba qaar ka tirsan ay u qarsaneed ajenda u gaar ah oo sir ah taas ayaanna ah midda keentay khilaafka. Dhinca kale waxay beelaha hubeysan ku andacoodaan in dagaalkii sokeeye dad badan uga dhinteen oo ay yihiin mujaahidiin laakin waxaa arintaas beeninaya xerooyinka qoxootiga ah oo ku yaal Magaalada Muqdisho dadka ku nool intooda badan waxay ka soo bara keceen gobolada Jubbooyinka iyo shabeelada hoose kadib markii loo geystay tacadi badan naftooda, handidooda iyo curfigooda. Dadka ugu badan qaxootiga ku sugan xerooyinka ku yaal Xamar waa Beelaha degga Jubbooyinka iyo Shabeelada Hoose oo ay ugu horeeyso Beesha Gaaljecel oo markii hore lagu dagaal geliyey waxaad tihiin Hawiye kadibna looga soo baxay Gobollada Jubbooyinka ka gadaalna ay ka dhaceen xoolohoodi Gen. Moorgan iyo Ciidamadiisa. Ugu dambeyntii waxaan ka codsaneynaa in ay ogaadaan cidda ay khuseyso arrintan in uu Ruunkinet ka mid yahay saxaafadda xorta ah xaqna u leeyahay in uu ka waramo dhacdooyinka gudaha iyo dibadaba, waxaanna si gaar ah uga codsaneynaa in Dr. C/Qaasim oo lagu xanto in uu yahay nin aarsi badan u adkeysto miciyaha saxaafadda xorta ah. |